Khubarada: Shirkadaha baraha bulshada waa in la saaro cadaadis
06 April 2026

Khubarada: Shirkadaha baraha bulshada waa in la saaro cadaadis

SBS Somali - SBS Afsomali

About
Guddiga badbaadada internetka ee Australia ayaa bishan gudeheeda ku hanjabay inay maxkamad soo taagi doonaan shirkadaha baraha bulshada, ka dib markii ay iska indha-tireen sharciga baraha bulshada ka mamnuucaya carruurta ka yar 16-ka sano. Guddigu ayaa baaraya qaar ka mid ah baraha ugu waaweyn adduunka, sida Instagram iyo Facebook oo ay leedahay shirkadda Meta, iyo sidoo kale YouTube, Snapchat, iyo TikTok.