zeno
Home
Explore
Religious
Music
News
Podcasts
Bible
By Genre
By Location
By Language
Download App
Log in
Sign up
Toggle Sidebar
zeno
SBS
SBS Somali - SBS Afsomali
Daily News
Society & Culture
Somali
Independent news and stories from SBS Audio, connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians. - Warar madax banaan iyo sheekooyin kugu xiraya nolosha Australia oo ku baxa luqadaada Soomaaliga.
Website
Episodes
300
09 January 2026
SBS News Somali - Warka Australia iyo caalamka 9 January 2026
Ra'iisal-wasaare Anthony Albanese, ayaa ugu dambayn ku dhawaaqay guddiga awoodda leh ee Royal Commission si ay usoo baaraan arrimaha ku gadaaman weerarkii xeebta Bondi iyo Yuhuud-necaybka.
10 min
09 January 2026
Somalia News - Warkii Soomaaliya Jimce 9 January 2026
Warka Soomaaliya maanta waxaa ka mid shirweyne xisbiga Haybad Qaran uga furmay Muqdisho oo ay kasoo qayb galeen Madax hore iyo siyaasiyiin.
8 min
08 January 2026
Xannaanada carruurta oo la raqiisiyey saddex beri toddobaadkiiba
Waalidiinta carruurtooda u dira xarumaha xannaanada carruurta (childcare) ayaa hadda loo oggolaaday in kharashka xannaanada caruurta laga bixiyo 90 boqolkiiba, muddo saddex maalmood ah toddobaadkii, iyada oo aanan lagu xiraynin wax shuruud ah.
8 min
08 January 2026
SBS News Somali - Warka Khamiis 8 January 2026
Victoria oo berri oo jimce ah laga mamnuucay shididda dab, kulaylaha daran awgii. Ingiriiskuna wuxuu sheegay inuu Maraykanka ka caawiyey qabashada markab nooca shidaalka ah oo lala xidhiidhiyey Venezuella iyo Iiraan.
5 min
07 January 2026
SBS News Somali - Warka Arbaco 7 January 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Gideon Saar, ayaa booqasho ku tagay Somaliland, isagoo ballanqaaday in Israa’iil ay ka furi doonto safaarad, kaddib markii Israa’iil noqotay waddankii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa booqashadaas ku tilmaantay faragelin aan la aqbali karin oo lagu sameynayo arrimaheeda gudaha.
9 min
06 January 2026
Somalia News - Warka Soomaaliya 7 January 2026
Culimada diinta ee Muqdishu ayaa iclaamiyey bannaan-bax looga soo horjeedo, waxa ay ku tilmaameen faro-gelinta Israel ee Soomaalia.
7 min
06 January 2026
Siraha 2005: Masiibooyin, Amni iyo Cudurrada Faafa ee Ku Qornaa Waraaqahii Golaha Wasiirrada
Boqolaal waraaqood oo ay ku qoran yihiin xogohii qarsoodiga ahaa, ee sidii ay u shaqayn jirtey xukuumaddii Jonh Howard 2005-tii ayaa hadda la sii daayey ama la fasaxay. Waxyaalaha ku qorannaan waxaa ka mid ah, digniino ku saabsan doorka ay ciidamada difaaca Australia ka qaadanayeen qulquladihii ka jirey dalka Afghanistan iyo sida ay Austraalia diyaar ugu ahayd masiibo cudur faafa
11 min
06 January 2026
DIB-U-EEGIS 2025: Caafimaadka Australia – wax cusub iyo halganno hore
Waxaa la xaqiijiyay inay Australia tahay dalka ugu xasaasiyadda badan dunida. Sanboorka ayaa ku dhaca ku dhowaad 24% dadkaa Australia , halka xasaasiyadda cuntada laga qaadaanaa ay saamayso qiyaastii 7%. Australia ayaa sidoo kale ah waddanka ay ugu badan yihiin carruurta qabta xasaasiyadda cuntadu.
13 min
06 January 2026
SBS News Somali: Warka Talaado 6 Junuary 2026
Wararka Talaado, waxaa ka mid ah, ninkii lagu eedeeyey weerarkii xeebta Bondi Beach oo loo wareejiyey xabsi ammaankiisu aad u adag yahay. Xaafadaha darafyada magaalooyinka waaweyn oo looga digey dab-dabkaymeedyo. Iyo M.weynaha Ukraine oo sheegay inay Ruushka ka dileen 35,000 oo askari bishii December.
5 min
05 January 2026
SBS News Somali: Warka Isniin 5 January 2026
Boqollaal malyan oo doollar ayaa weli Sydney ku sugaya inay dadkii xaq u lahaa soo dalbadaan. Hay'adda Revenue New South Wales ayaa haysa lacago kala duwan oo baadi ah, dadkii lahaana aanay soo dalbannin.
4 min