
Culeysyada Ka Jira Qaadashada Kaarka Aqoonsiga & Sida Hay’adda NIRA u Maareyso
Adeeg Wanaag
Hay'adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed (NIRA) ayaa waxa ay ku howlaneyd in muddo ah bixinta karaarka aqoonsiga dadweynaha. Balse dhowrkii bil ee ugu dambeeyay waxaa jirtay in dadweynuhu aad ugu xoomeen qaadashada kaarka, halkaasoo culeysyo kala duwan ay la kulmeen dadweynaha kaarka dalbanayay iyo howlwadeennada Hay’adda.
Qeybtan 39-aad ee Adeeg Wanaag, Aweis Ahmed iyo Maxamed Cabdullaahi Juuni, oo ah agaasimaha Waaxda Howlgelinta ee hay’adda NIRA, waxa ay ku falanqeynayaan waxyaabaha sababay dadweynuhu in ay isku ciriiriyaan qaadashada kaarka aqoonsiga, culeysyada soo kordhay, sida Haya’ddu ay u maareysay illaa iyo hadda iyo waxa uga qorsheysan in la fuddudeeyo qaadashada kaarka.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
Thanks for listening!